|
Faadumo waxay waddaa fayl u soo jara e,
Fal baa u yaal hargaysaba ninkii feela reer bariye,
Ma fadhfadhiyo fiiqiyo haduu fuudka laasimo e,
Wax badan baan intaan fooq u baxay fidiyay laan jeere,
Inkastoon farraqo taydu waa igu fil roonaataaye,
Faydiyo khasaaraa miduun foodda loo galine,
Adna waxaad faqiir tahay inytaan foosku baabi'ine.
|
|
Wuxuu yidhi:
|
|
Faadumo galbeed waad ogtahay faashinkay tahaye,
|
|
Faylkana ma goysee naftay faydo galisaaye,
|
|
Anaa furay inaad fooq kortood fidiso laan jeere,
|
|
Foodh foodhna waad tahay dhakhsana wow fasaqantaaye,
|
|
Sidii fidhiqo lacagtaadu waa foore galabeede,
|
|
Foodsaar dareemiyo boggaa kugu filaanaaya,
|
|
Fadhigaaga hoy le'eg isaaq kaama filanayne,
|
|
Nin fiyuujarkiisii xunyoo faanayaad tahaye,
|
|
Falaagada ma raacdeen hadaad faydo leedahaye,
|
|
Dhaaxaa nin farantaa u baxay fiid la qawlalaye,
|
|
Inay fooqa kaa soo ridaan waa u faqayeene,
|
|
Car yaan faarax dayr kaala bixin foolashaa sare e,
|
|
Falaaxnimada oday waalan oo fooraraad tahaye,
|
|
Fikraddii wax lagu haysan jiray waa lagaa falaye,
|
|
Far ma saarin oo reer galbeed furanna maayaane,
|
|
Fijaan igama quban herer wixii foonsanayd lacage,
|
|
Faydiyo khasaaraa miduun foodda loo galine,
|
|
Adna waxaad faqiir tahay intaan foosku baabi'ine,
|