Tuuguna ma seexdeen halkuu tumayo caydiide,
Isba tacabkii weeyaan inuu teneg huluushaaye,
Taladii Ilaahay ka xoor turub sidiisiiye,
Tibtiyo mooyuhuu dhigay ninkii taajirka ahaaye,
Wiilkeena taa lagu dhalaa taabo qaad ma lehe,
Tuskii da'aba dhoobadu haday toban kun xaadhayso,
Tiiraanyo xoogsade waxaad tacabtay waakaase,
Timir iyo qodaal waxay ku sidi tenega caydheede,
Tukuunbaa ku cuni herer ninkii soo talaabsada e,
Tol dhan baaban laga hayn nimaad hebel tidhaahaane,
Todobaatan baa reer jibriil taagan beeraha e,
Tobankay dhashiyo ooridii tigidhka loo gooyay,
Tol la'aanta lagu sii wadiyo timacaddii yeesif,
Hadii talada lay dhiibayooy tayda noqonayso,
Towtowlayaal sida karbaash tarantu weeyaane,